Borama News Network

Ciidamada Yuhuuda oo in ka badan 100 falastiiniyiin ah ku dilay Gaza

24-kii saac ee la soo dhaafay In ka badan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza,kadib markii ciidamada Israel ay weerareen dhowr goobood oo kamid ah deegaanada Gaza.

Weerarada Israel ee cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintiisii afraad ,iyadoo la dilay tiro badan oo Falastiin ah,isla makaana ay barakeceen daraasiin kale oo halkaasi u joogay gabaad .
R/Wasaaraha Israel Netanyahu ayaa u sheegay senetarada Mareykanka ee Jamhuuriga in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ay ku jabinayso Xamaas.

Dhinaca kale, Antony Blinken ayaa bilaabay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe isagoo wadahadallo Sacuudi Carabiya kula yeeshay madaxda dalkaasi ,wuxuuna manta tagayaa Masar si uu wadahadal ula yeesho wasiirrada Carabta.

Ugu yaraan 31923 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 74096 kalana waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Related posts

Daawooyin Si Khaldan Loo Isticmaalo Oo Halis Galin Kara Qofka Ay Xumada Ku Dhacdo

Abdiaziz Bnnstaff

“Doorashadu Xiligeedii bay Dhacaysaa, Cid Danbe Oo Laga Laaluushayaana Ma Jirto” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaraddii sidday madaxweyne ku-xigeenka Malawi oo la waayey

Abdiaziz Bnnstaff