Borama News Network

Ciidamo Ruush Ah Oo Gudaha U Galay Saldhig Ciidan Oo Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Maraykan Ahi Iyo Waxa Dhacay

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaala dalka Niger halkaas oo ay wali ku harsan yihiin askar Mareykan ah kadib go’aankii ciidamada Niger ay dalka uga saareen.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada cirka balse ay ku sugnaayeen qayb kale.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in aysan ahayn arrin muhiim ah maadaama aysan heli karin ciidamo Mareykan ah iyo qalab kale.

“Ruushka waxay ku sugan yihiin meel kale mana arkin ciidamada Maraykanka ama ma helin qalabkeena,” ayuu yiri.

Xiriirka militari iyo midka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ahaa mid kulul tan iyo markii Ruushka uu galay dalka Ukraine.

Kahor kacaankii Niger sanadkii hore, Mareykanka wuxuu ahaa saaxiibka ugu weyn ee dalka oo ay weheliyaan saaxiibada kale ee dagaalka kula jira falaagada Islaamiga ah ee gobolka.

Related posts

Nin Mindi watay oo Magaalada Tel Aviv ku beegsaday Dad Yuhuud ah

Abdiaziz Bnnstaff

Hadaan Lagu Baraarugin Halistan Masaajida Muqdisho Waxay Isku Bedeli Doonaan Macaskar Alshabaab Leedahay” Haweenka Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Trump ayaa ballanqaaday inuu 24 saac gudahood ku joojin doono dagaalka Ukraine haddii uu guulaysto. wuu guleystay— suurgal ma tahay?

Abdiaziz Bnnstaff