Borama News Network

Ciidanka DANAB oo qayb ka noqonaya Dhoolatus Militari oo Kenya ka dhacaya 26ka Febaraayo ilaa 7da Maarso 2024

Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa ka qaybgalaya dhoollaturka Militari ee berri ka billaabanaya Dalka Kenya ee la qorsheeyay in uu socdo inta u dhaxaysa 26ka Febaraayo ilaa 7da Maarso 2024.

Ciidamadaan ayaa mudnaan gaar ah ku dhex leh howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhulka baaxadda wayn looga qabsaday deegaanno kala duwan oo dhaca Koofurta & Bartama Soomaaliya sida lagu yiri warbixinta laga soo gudbiyay dhoolatuskaan.

Maraykanka oo tababaray ciidamadaan Kumaandooska DANAB ayaa hor-boodaya dhuulatuska waxaana uga qaybgalaysa saraakiil iyada oo arrintaan lagu muujinayo cududa ama awoodda ciidamadaan ay tababarka siisay Xukuumadda Washington ee Geeska Afrika ku sugan.

Marka uu dhoolatuskaan uu soo idlaado waxaa lagu wadaa in war rasmi ah laga soosaaro iyada oo lagu muujinayo sida wadajirka ah ee ciidamadaan uwada sameeyeen bandhiggooda oo ay goobjoog ka noqonayaan marti lagu casuumay.

Saraakiisha ka qaybgalaya Dhoolatuska waxaa kamid ah Xubno metalaya Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo dhammaantood indhaha ku haya xaaladda kala guurka ee bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Oo Shaaciyay Inaan Axmed Madoobe Doorashadiisa La Aqoonsan Doonin.

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Shir Ay Albaabadu U Xidhnayihiin Oo Ay Yeesheen Shir Gudoonka Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Taariikhda Doorasha Muuse ayaa leh, dagaalkii ciidanku ku jabayna Muusaa leh” Xildhibaan Barkhad Batuun.

Abdiaziz Bnnstaff