Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo Gaza ku dilay 350 Macallin & 430 Arday oo Dugsi sare dhiganaysay

Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa Warbixin ay soosaartay waxa uu ku faah-faahiyay Ardayda iyo Macalliminta ku baxday Gacanta ciidanka Israaiil tan iyo bishii Oktoobar sanadkii hore 2023 kuwaas oo intooda badan ku naf waayay duqaynta arxan-darrada ah & toogasho.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa lagu sheegay in muddadaas colaaddu taagan tahay in gacanta ciidanka Israaiil ay ku baxeen 350 Macallin oo Waxbarashada heerarkeeda kala duwan ah.

Arday gaaraysa 430 oo dhiganaysay Dugsiga Sare ayay ku geeriyootay weerarka Israaiil, waxaana dhaawac uu soo gaaray 12,500 oo kale halka ay burburiyeen ciidanka Yuhuudda Goobo Waxbarasho oo u gaaraya 286 Dugsi.

Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa intaas ku dartay in Kumanaan Arday ay Waxbarasho ku waayeen dagaallada iyo duqaymaha ka fog bani aadamnimada ee sida aan kala sooca lahayn Ciidanka Israaiil ugu beegsadeen Magaalada Gaza.

Hay’adaha dhanka Waxbarashada qaabilsan ayaa Warbixinno ay horay usoo saareen waxa ay ku sheegeen in 90% Iskuullada & Jaamacadaha Magaalada Gaza ay ku burbureen gacanta ciidanka Israaiil oo isugu daray duqayn gantaallo culus ah iyo taangiyo ay mariyeen.

Related posts

“Kursiga Maayer Mooge Ninka Rabaa Waa Nin Masaajid Baayacey…” Xildhibaan Guruuje Si Adag Uga Hadlay Xil Ka Qaadista Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Qatar Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kawada Hor Yimid Damaca Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Dhegayso:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisadda Soomaaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff