Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo xabsi kasii daayay Nin u xirnaa 22 sano

Ciidanka Yuhuudda ayaa xabsi ku yaalla Negev oo ah dhul lama degaan ah waxa ay kasii daayeen Cali Baasim Xuseen oo ay xireen sannadkii 2002dii isaga oo ku sugan Daanta-galbeed waxaana uu xirnaa tan iyo xiligaas.

Kooxaha la socda maxaabiista Falastiin ee laga soo daayo Xabsiyada Israaiil ayaa sheegay in Xuseen xaaladdiisa Caafimaad la hubin doonno maadaama xabsi cadawgiisa gacanta ku hayo uu ku jiray muddo 22 sano ah.

Xad-gudub xooggan sida jirdil, handadaad iyo caga-juglayn joogta ah ayuu Cali la kulmayay muddada uu xirnaa ciidanka Yuhuudda waxaana isusoo bax farxadeed sameeyay qaar kamid ah ehelkiisa & Dadka ku sugan Daanta-Galbeed.

Waxaa is dhimay miisaankiisa jireed sabab la xiriirta in cuntada oo aad loogu dhigay in uu helo hadba sida uu jirkiisu ugu baahan yahay waa mid kamid ah ciqaabaha ciidanka Israaiil ay mariyaan Maxaabiista u xiran ciidankaas.

Dhowaan qaar kamid ah xabsiyada ay gacanta ku hayaan ciidamada Israaiil waxaa muddooyinkii dambe laga sii daynayay Dad sanado badan halkaas ku xirnaa waxaana ay ka sheekeeyeen noloshii adkayd ee halkaas ku qaateen.

Related posts

“haddeynu kala xisbiyo nahay, 18 May isku mid ayeynu nahay” wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Waxa Uu Caadaystay Cayda Iyo Aflagaadada Ciidanka Qaran” Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff

Israa’iil Oo Heegan Gashay Kaddib Weerarkii Lama Filaanka Ahaa Ee Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff