Borama News Network

Ciidanka Israa’iil oo Xabsiyada ku ciqaaba Dad ay kasoo qabteen Magaalada Gaza

Ciidanka Israa’iil oo Dad badan ay kasoo qabteen Magaalada Gaza ku haya Qaar kamid ah Xabsiyadooda qarsoodiga ah ayaa la ogaaday in ay ciqaab adag u geysteen Dadkaas si joogta ah, waxaana jira Dad u dhintay dhibaatadaas loo geystay.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dad qaarkood ah Dhaqaatiir ay ciqaabtaas si joogta ah u maraan kuwaas oo ku xiran Xabsiyada, lama sheegin tiradoodu inta ay gaarsiisan tahay iyo meelaha sida gaar ah loogu hayo.

Waxaa socda abaabulka diyaarinta Gal-dacwadeed ka dhan ah tacadiga Yuhuudda ay ku hayaan Dadka Falastiin, Goobaha Caafimaadka, Iskuullada, Xeryaha ay degen yihiin Barakacayaasha iyo meelo kale oo ka caaggan dagaallada ayay Israa’iil weerareen.

Teleefishinka Aljazeera oo si joogta ah uga soo xog-warrama xaaladda ka taagan Bariga Dhexe ayaa la hadlay qaar kamid ah Dadka xog ogaalka u ah arrintaan oo xubno katirsan qoyskooda weli ku maqan gacanta ciidanka Israa’iil isla markaana nolol ama geeri toona lagu hayn.

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch (HRW) ayaa baaris u dirtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICC si looga salgaaro tacadiga ka dhanka ah Shaqaalaha Caafimaadka.

Related posts

Deg Deg:- Maxamed Bk Oo Shaaciyay War Cusub Iyo Barnaamij Uu Sheegay In Uu Hargaysa Ku Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

Raysa Wasaare Xamse Oo Tagay Degmada Balacad Kormeerayna Wadada Isku Xidha aBalacad iyo Jowhar

Abdiaziz Bnnstaff

Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga

Abdiaziz Bnnstaff