Borama News Network

Ciidanka Ruushka Oo Madaafiic Ku Garaacay Caasimada Dalka Ukriane Kharkiv

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in weeraro is xig-xigay oo ay ciidamada Ruushka ku bartilmaameedsadeen magaalada Kharkiv ee waqooyibari ee Ukraine, lagu dilay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen lix kale.

Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah duqeymaha cirka la eeganayeen ciidamada Ruushka, tan iyo marki uu billowday dagaalka uu madaxweyne Putin ku qaadday Ukraine, bishii Febrayao ee sannadki 2022-ki.

Booliska ayaa sheegay, in duqeynti Arbacadi lagu beegsaday degmada Lozova ee koofurta Kharkiv, lagu dilay saddex qof, iyadoo ay wali socdaan howlaha gurmadka ah.

Waxaa sidoo kale weerarkaas uu burburiyay dhisme ay ku shaqeyso hey’ad NGO ah oo laga leeyahay dalka Switzerland, inkasta oo ay saraakiishu sheegeen in aysan cidna wax ku noqon.

Duqa magaalada Kharkiv ayaa sheegay in sidoo kale ay dhaceen ilaa shan duqeyn oo cirka ah oo ay ciidamada Ruushka xalay ku garaaceen qeybo ka mid ah Kharkiv iyo deegaannada ku hareereysan.

Related posts

Wafdigii ku baxay xal u helista Dagaal-beeleedka Luuq oo kulamo ka billaabay Degmadaas

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Go’aamo Deg Deg Ah Ka Soo Saartay Application-nadii Lagu Dhacay Dhalinyarada Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Ukraine Oo Isaga Baxay Magaalo Muhiim Ah Oo Ay Isku Farasaareen Kuwa Ruushka.

Abdiaziz Bnnstaff