Borama News Network

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheysan Ku Dilay Xubno Katirsan Kooxda Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo kale oo saaxiib la ah ayaa howlgal qorsheysan ay ku beegsadeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab, ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

War lagu baahiyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in howlgal dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaan ay isku aruursanayeen xubno katirsan Al Shabaab, kuwaa oo qorsheenayay in weeraro fuliyaan.

Weerarka ayaa lagu sheegay in lagu dilay saddex xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , sidoo kale lagu dhaawacay dagaallamayaal kale oo kooxdaasi katirsanaa, saraakiisha dowladda ayaana sheegay in dhagartii kooxdaasi la weeraray maleegayeen la bur buriyay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dowladda Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo cir iyo dhul ah ka waday deegaanno katirsan Shabeelaha Hoose, halkaa oo Al Shabaab ka wadeen abaabulo .

Related posts

“Dawladda Taagta Daran Ee Wasiiradeedu Badaha Iibiyaan Ee Somaliya” Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Muxaafidka Ingiriiska oo la filayo inuu guuldarro culus kasoo hooyo doorashada baarlamaaniga

Abdiaziz Bnnstaff

Ruusha Oo Doonaya In Uu Hubkq Culus Geeyo Hawada Sare Iyo Reer Galbeeeka Oo Sida Fiinta Ugq Qaylyay Qorshahaasi

Abdiaziz Bnnstaff