Borama News Network

Cudur La Mid Ah Ebola Oo Ka Dilaacay Dalka Tanzaniya Iyo Madaxwaynaha Dalkaasi Oo Ka Hadashay

Madaxweynaha dalka Tanzaniya ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayraska Marburg oo ah fayras la mid ah Ebola, todobaad uun ka dib markii wasiirkeeda caafimaadka ay beenisay in dalkaasi cudurku uu ka jiro.

Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Isniintii ku sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay xaqiijiyeen hal kiis oo laga helay gobolka waqooyi-galbeed ee Kagera.

“Waxaan ku kalsoonnahay inaan ka gudbi doono caqabadan mar kale,” ayay tiri Saamiya, iyadoo tixraacaysa cudur horay uga dillaacay Tansaaniya laba sano ka hor.

14-kii Jannaayo, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka warbixiyey shaki laga qabo in Marburg uu ka dillaacay waddanka, iyada oo diiwaangelisay sagaal xaaladood oo looga shakisan yahay iyo siddeed dhimasho ah shan maalmood gudahood.

Laakin wasiirka caafimaadka Tanzaniya Jenista Mhagama ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka dib markii la baaray, dhammaan dadkii looga shakisanaa fayraska Marburg aan laga helin.

Related posts

Muuse Biixi Waa Mujaahidka, Kaligii Is Abaal mariyey, dib uma eedi doono farteena ” Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Kaah

Abdiaziz Bnnstaff

Dablay Hubaysan oo weerartay Telefishan barnaamij Toos ahi ka socday.

Abdiaziz Bnnstaff

“ Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad sheegto”. Cabdilahi Dheere

Mustafe haji