Borama News Network

Cumar Cabdirashiid: “Dadka Soomaaliyeed Waa In Ay Diyaar u Ahaadaan Dagaal Uu Ku Dhiirran Karo Abiy Ahmed”.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku baaqay in difaac laga galo damaca Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

Cumar ayaa sheegay in marka la eego Abiy Ahmed uu yahay qof ku dhiirran kara dagaal sidaas awgeed loo baahan yahay in hadda feejignaan dheeraad ah laga galo si looga gaashaanto isku day weliba oo ka imaan kara dhinaca Itoobiya.

Waxa uu ku sifeeyay Abiy Ahmed in uu yahay nin xaalad qir iska tuur ah ku socda maadaama Magaalada Addis Ababa ay kusii dhawaanayaan dhinacyada mucaaradsan balse culayskaas uu isaga dejinayo damaca gurracan uu leeyahay.

“Abiy Ahmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhiirran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa hadalkaan ku sheegay Waraysi uu siiyay Hanoolaato.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in aanay habboonayn in loo ogolaado Abiy Ahmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo arrintaan.

Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in markii hore isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan in uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa.

Itoobiya ayaa billowgii sanadkaan waxa ay soo shaac-bixisay damaceeda gurracan ay ku rabto qayb kamid ah Badda & dhulka Soomaaliya, Dowladda Federaalka oo ka dhiidhisay arrintaan ayaa qaadday tallaabooyin diblumaasi oo culays xooggan saaray Xukuumadda Addis Ababa.

Related posts

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo loogu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan difaaca Madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Kaluumaysato Shiine Ah Oo Dhintay Xilli Ay Eryanayeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jasiirada Taiwan

Abdiaziz Bnnstaff

Suxufiyiin ka tirsan TV-ga MM oo qabtay dood ku saabsan Is Afgarad kii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo Hargeysa lagu xiray

Abdiaziz Bnnstaff