Borama News Network

Daadad Tobnaan Kun Oo Qof Ku Saameeyay Jowhar Iyo Gaalkacyo

Hay’adda arrimaha bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegtay in daadad ay gudaha Soomaaliya ku saameeyeen tobnaan kun.

Tan iyo 15-kii April, ayay hay’addu sheegtay in in ka badan 45,000 oo qof ay saameeyeen, iyadoo afar qof ay ku dhimatay, ayna saddex carruur yihiin.

Sidoo kale 28-kii April ayay hay’addu sheegtay in webiga Shabeelle ee Jowhar uu qararka jabsaday, kuna qasbay in ka badan 6,000 oo qof inay dhulalka sare ka sameystaan hoy ku meel gaar ah.

Dhanka maamul-goboleedka Galmudug, daadad ayaa iyagana qeybo ka mid ah Gaalkacyo ku saameeyay in ka badan 9,500 oo qof kuwaasoo markoodii horeba barakacayaal ahaa kuna jiray guryo ku meel gaar ah.

Daadadkan ayaa kusoo aadaya iyadoo hay’adaha bani’aadannimada, gaar ahaanna kuwa aan dowliga ahayn ay saameeyeen jaridda deeqaha.

Bilihii lasoo dhaafay, hay’ado badan oo Soomaaliya ka howlgala ayaa ku qasbanaaday inay hakiyaan gargaarkoodii.

Related posts

In ka badan 280 ardey oo afduub loo haystay dalka Nigeria oo la sii daaya

Abdiaziz Bnnstaff

“Raggii Aan Wadanka Ka Wada Baxnay Agtayda Ayay Nafta Uga Wada Baxday” Suheyb Sidiiq Faarax

Abdiaziz Bnnstaff

Dumarka Hargaysa Oo Bilaabay Sheekeeyinkii Reer Muqdisho Iyo Dhacdo Yaab Leh Oo Ka Dhacday Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff