Borama News Network

Dacwad-oogaha ICC oo codsaday in lasoo xiro hogaamiyaha Myanmar

Madaxa dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa Arbacadi ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga.

Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma.

Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha.

Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar.

Related posts

“Aqoonsina Ma Haysano Afkana waan tagaynaa socon mayso Ee Dadka Aynu La Noolaano”.Faadumo Ibraahim oo afka furatay..

Abdiaziz Bnnstaff

Raga Dhaadheer Ee Hudheelada Wareegaya Eenu Hogaan Iyo Siyaasada Ka Sugaynaa Waxay Noqdeen Dameero” Siyaasiyiinta Rer Awdal

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga WADDANI marka uu guulaysto waxa la gaadhi doonaa nabadgelyo, horumar iyo barwaaqo” Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Maxamed Cali

Abdiaziz Bnnstaff