Borama News Network

Dad Ka Badan 50 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Nigeria Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Shilkaasi

Dhimashada ka badan 50-ka qof waxay ka dhacday gobolka Bartamaha Nigeria ee Niger kaddib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo siday dad iyo lo’, sidaasina waxaa sheegay hay’adda masiibooyinka dalka.

Sida ay hay’addu sheegtay, shilka oo dhacay saq dhexe habeenkii Axadda waxaa ka dhashay dab qabsaday labada gaari. Gawaari kale ayuu sidoo kale dabku gaaray.

Muuqaallo laga duubay goobta wax yar kaddib markii uu shilka dhacay ayaa muujinaya labada gaari oo wada gubtay iyo lo’idii oo halkaas ku dhimatay.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay isku dayayaan in ay ka soo saaraan goobta dad iyo xoolo wixii halkaas ku dhintay.

Hussain Ibrahim oo ah afhayeen u hadlay hay’adda samatabixinta ayaa BBC-da u sheegay in maalintii Axadda aas loo sameeyay dadkii ku dhintay shilka.

“Waxaan Shalay aasnay 52 qof, 8 qofna waxaa lagu daaweynayaa isbitaalka” ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku dharay “shaki kuma jiro tani in ay tahay shilkii ugu xumaa ee aan diwaangelino sanado”

Shilalka booyadaha shidaalka ma ahan wax ku cusub Nigeria, waxaana sababta keenta lagu sheegay in ay tahay wadooyinka oo tayadooda liidato.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Agaasime Mahad Salad isagaa go’aansaday inuu xilka ka tago”

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Danjiraha Sweden ee Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff

Naigeria oo cunaqabatayntii ka qaadday dalalkii ay ugu hanjabtay fara galin milatari

Abdiaziz Bnnstaff