Borama News Network

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Related posts

Somaliland Oo Maanta Gobolada Sool Iyo Sanaag Ka Qaramaysay Ciidamadii Ugu Badnaa

Abdiaziz Bnnstaff

Gargaar Loo Waday Dadka Reer Falastiin Oo Dhexda Loo Galay Iyo Cida Dhacday Gargaarkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

“ Wasiirada Muuse Biixi la jooga waa Maxaabiis ee ha la soo furto …” Ex Wasiir Caateeye

Abdiaziz Bnnstaff