Borama News Network

Dadka u Dhimanaya Macluusha Ka Jirta Gaza Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Sii Kordhaan!

Khubarro katirsan Qaramada Midoobay oo xog-baaris ku samaysay xaaladda macluusha ah ee ka jirta Magaalada Gaza ayaa digniin xooggan kasoo saaray halistaas ay wajahayaan kumanaan ruux oo aan haysan wax ay uga hortagaan.

Waxa ay intaas ku dareen haddii aan xal degdeg ah la helin ilaa bartamaha bisha soo socota ee Luuliyo (July) xaaladdu sii adkaan karto kana sii dari karto iyada oo dhimashada iyo halistu ay kasii badan karaan heerka maanta gaarsiisan yihiin.

Saabir Axmed Saxawiil oo kamid ah Dadka deegaanka ee Magaalada Gaza ayaa ku qaylo-dhaamiyay in xaaladda sidaan ah wax laga baddelo ugu yaraan ciidanka Israaiil lagu cadaadiyo in ay go’doonka ka qaadaan Magaaladaas.

Cunno, biyo & guryo la’aan ayuu sheegay Saabir in ay isugu darsantay Dadkaan ku dhibaataysan Magaalada Gaza isla markaana ku dhawaad sanad ay la nool yihiin xaalado adag oo marba dhinac kasoo wajahay una baahan in xal loo helo.

“Carruurteennu waxa ay u dhimanayaan macluul, ma awoodno in aynu helno cunno dhammaystiran oo xitaa ma haysano goobo lagula tacaalo marka ay xaaladdaan galaan, xitaa ma shaqayno, noloshii oo dhan ayaa guriga kusoo koobmatay” Saabir Axmed Saxawiil oo kamid ah Dadka Gaza.

Xaafadaha qaar ee Magaalada Gaza ayaa sii kala daran, halka uu ku nool yahay Saabir oo ah Beit Lahiya waa halka ay ka dhaceen dagaallada ugu culus, qoysas kooban ayaa ku sugan kuwaas oo waayay halkii ay cagaha dhigi lahaayeen maadaama xaaladdu ku culus tahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Malaayiin kamid ah Dadka Falastiin ee ka badbaaday dagaallada iyo duqeymaha ay wajahayaan caqabadda saddexaad ee ah ‘Macluul’ taasina ay timid kaddib markii ay waayeen cunno & biyo nadiif ah.

Related posts

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff

Pakistan Oo Duqaymo Ka Fulisay Gudaha Dalka Iran Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Duqaymahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

” Somaliya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Wax Ay Ka Badali Kartaa Ma Jirto…” Xuseen Aadan Dayr.

Abdiaziz Bnnstaff