Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya meleeshiyo beeleed uu ka socdo deegaannada miyiga ah ee ku yaalla galbeedka.
Dagaalka oo bilowday foogtii hore ee saaka ayaa weli socda sida wararku ay sheegayaan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ilaa iyo hadda dagaalka, maadaama dhulka uu ka socdo uu yahay aag miyi ah oo ay ku badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah.
Colaadda u dhaxeeysa beelaha halkaa wada dega ayaa ku soo noqnoqotay degaannadaasi waxaana ay salka ku haysaa inta badan daaqqa iyo deegaanka, iyadoo isku dhicii ugu dambeyay ay ku dhinteen dad ka badan soddon qof.
Wixii warar ah ee ku soo kordha halkaan kala soco