Borama News Network

Dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka oo aan weli xal laga gaarin

Waxaan weli xal laga gaarin dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan toban qof, tiro intaa ka badnna ay ku dhaawacantay.

Isku dhacyadaan oo ka taagan deegaanka Caado ee gobolka Doollo ayaa xogta aan helayno waxay sheegaysaa in labada beelood ee walaalaha ah ay isku hayaan dhul gaarahaan aag laga qadayay baraago.

Waxaa socda waan-waan iyo isku dayo kala duwan oo ka imaanaya maamulka dowlad deegaanka iyo madax dhaqameedka gobolka oo lagu daminayo colaadda halkaa ka taagan sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah nabadoonnada deegaanka.

Inkastoo dadaalladas nabdeed ay socdaan haddana weli waxaa taagan xiisad ka jirta goobihii lagu dagaallamay, taasoo abuuraysa cabsi ah in mar kale dagaal dhici karo.

Related posts

Muxuu yahay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti?

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Masar Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Hindiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Dahab Tiro badan Oo Lagu Qiimeeyay Lacag Badan

Abdiaziz Bnnstaff