Borama News Network

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil?

Sheekadeena aynu ku bilowno maqaal uu wargeyska ‘’Foreign Policy’’ cinwaan uga dhigay ‘’xaaladda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xisbullah ma horseedi doonto doonto dagaal buuxa.’’

Qoraaga maqaalka oo la yiraahdo Cali Haashim ayaa qoraalkiisa ku bilaabay xaaladda ka sii daraysa ee iska hor’imaadyada u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil iyo baqdinta ku xeeran in labada dhinac uu ka qarxo dagaal buuxa.

Qoraagu waxa uu leeyahay waxa yar tuulooyinka ka badbaaday iska ho’Imaadyada ee ku yaala Koonfurta Lubnaan, iyadoo xaafado dhan ay burbureen, waxa kale oo uu soo calaamadeeyay in deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Marooxeyn iyo Xayfa oo ay dagan yihiin bulshooyin Israa’iiliyiin ah ay si maalinle ah ula kulmaan duqeyn ka imaanaysa dhinaca Xisbullah.

Haashim waxa uu intaa ku daray in siddeeddii bilood ee la soo dhaafay in inkabadan 150 kun oo qof ay isaga tageen tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaala xuduudda, sababo la xiriirra dagaalka socda oo galaaftay nolosha 400 oo qof dhinaca Lubnaan iyo 30 qof dhinaca Israa’iil.

Qoraagu waxa uu sheegay in xaaladda xuduudda ee sii xumaanaysa ee ka dhalatay madaafiicda iyo duqeynta ay is weydaarsanayaan ururka Xisbullaah iyo Iraa’iil ay xiisadda uga sii dartay beryihii dhawaa, waxana soo baxayay suurtagalnimada in iska hor’imaadku isu badalo dagaal buuxa, laakiin qoraagu waxa uu u arkaa in uusan dhici doonin dagaal buuxa.

Qoraagu waxa uu sharaxayaa in Xisbullah ay gashay iska hor’imaadkan kala dhexeeya Israa’iil kaddib weerarradii Xamaas ku qaaday Koonfurta Israa’iil todobadii Oktoobar, sanad kii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka xuduudda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas u heerar kala duwan soo maray kahor inta aan meeshan la soo gaarin, tan iyo kooxihii shiicada ee hubeysnaa ee la oran jiray ‘’Islaamiyiinta wax iska caabinta’’ ee Koonfurta Lubnaan 1982-kii, kaddib markii xagaagaas ay qabsatay Israa’iil.

Haashim waxa uu intaa ku daray in dagaal kii ugu weynaa ee labada dhinac dhexmara uu ahaa kii 2006-dii, markii Xisbullah ay ka afduubatay labo askari oo Israa’iiliyiin ah deegaan ku yaala xuduudda, iyagoo uga gol lahaa in ay ku badashaan maxaabiista uga jirta xabsiyada Israa’iil. Israa’iil ayaa uga jawaab celisay afduubkaas dagaal burbur baahsan geystay bilihii July, August iyo September ee sanad kaas, iyagoo doonayay in ay ka takhalusaan Xisbullaah, kaas oo u ekaa dagaalka hadda Israa’iil ku hayso Xamaas.

Qoraagu waxa uu soo calaamadeeyay kala duwanaanshaha ka jira labada iska hor’imaad, Xisbullaah waxay leedahay hadda awood milatari oo ku filan taas oo ay dhiseysay toban kii sano ee la soo dhaafay, waxayna hadda ku tahay ‘’khatar istiraatijiyadeed’’ Israa’iil.

Sidaa si lamid ah sarkaal ka tirsan kooxda Qudus ee Iiraan oo kormeera Xisbullaah iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Iiraan ee Bariga Dhexe ayaa ‘’foreign Policy’’ u sheegay in Xisbullah ‘’leedahay hadda illaa kun milyan oo kantaal oo noocya kala duwan ah, kuwaas oo ay ku jiraan gantaalaha sida daran wax u burburiya, kuwa katuusha iyo kuwa lagula dagaalamo taangiyada’’.

Kaydka hubka ee Xisbullah waxa kale oo ku jira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu fasameeyay gantaalaha Ruushku sanceeyo, iyo nooc Iiraan lagu farsameeyo oo lagu magacaabo ‘’Almas’’ kuwaas oo ay ku xiran yihiin kaamirooyin casri ah, una eg gantaalka Israa’iil ee la yiraahdo ‘’Spike’’. Qalabkan ayaa ciyaarta dhanka kale u rogi kara marka la eego aragtida qoraaga, maxaa yeelay dagaalyahannada Xisbullaah uma nuglaan doonaan weerarrada Israa’iil.

Qoraagu waxa uu adkeeyay in labada dhinac ay xadidayaan dagaalkooda, iyagoo ku soo koobaya bartilmaameedyo milatari, waxayna warbixinadooda maalinlaha ah ku sheegaan hawgallada milatari ee ay qaadeen, taasi oo muujinaysa in Xisbullaah iyo Israa’iil illaa hadda ay ka fogaanayaan in rayidka khasaare gaaro inta suurtagalka ah, waxayna xogaha sii marsiinayaan ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga Lubnaan. Labadooduba habab kala duwan ayay dagaalka u isticmaalayaan, waxayna diiradda saarayaan yoolal istiraatijiyadeed inta meelo la kala qabsan lahaa.

Qoraaga waxa uu leeyahay hadafka Israa’iil waa in cadaadis lagu saaro Xisbullaah si daaha looga rogo goobaheeda istiraatiijiyadeed ama in ay dib uga gurtaan saldhigyada ay xuduudda ku leeyihiin, isagoo intaa ku daray in dagaal kii 2006-dii uu saameyn taban ku yeeshay Israa’iil, maxaa yeelay wuxu Xisbullaah u ogolaaday kaliya maaha kaydadkeeda hubka kordhintiisa ee waxa kale oo ay casharo ka qaadatay dagaalka si ay u casriyeyso awoodda ay ugu babac dhigi karto ciidamada Israa’iil.

Qoraagu waxa uu ku soo gabagabeeyay maqaalka isagoo muujinaya kaddib sideed bilood oo xiriirra oo iska hor’imaadyadu socdaan in ay caddahay in Xisbullaah iyo Israa’iil ogyihiin in dagaal kasta oo buuxa oo ay galaan in uu noqon doono mid burbur baahsan geysta. Xisbullaah waxay ogtahay in Lubnaan dumi doonto, iyadoo kumannaan qof uu khasaare soo gaarayo, sida Israa’iil u ogtahay wixii ka qabsaday Qasa bilihii la soo dhaafay, iyadoo wax yoolal ah oo buuxa aanay ka gaarin, taasi oo cadeynaysa in aanay waxba ka faa’’iidi doonin dagaal buuxa oo ay la gasho Xisbullaah.

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amaro Culus Ku Soo Rogay Hodheelada Iyo Maqaaxiyaha Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

WHO oo xanuunka furuq-daanyeerka ku tilmaantay ‘walaac caafimaad oo caalami ah’

Abdiaziz Bnnstaff

Cudur Ku Cusub Dhulka Somalida Oo Ku Dhacay Mid Ka Mid Ah Dalagyad Aadka Loo Beerto Iyo Beeralayda Oo Qaylo Dhaqn Diray

Abdiaziz Bnnstaff