Borama News Network

Dagaal Culus Oo u Dhaxeeya Xamaas Iyo Israaiil Oo Ka Socda Magaalada Gaza

Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay shahiidaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dadkii la socday.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ay ka timid xayirdda la saaray Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado.

Zarif waxa uu intaas ku daray in dadka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran Iran.

Zarif wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi. Wuxuu sheegay in dambiyada Mareykanka ay gali doonaan diwaanka maskaxda dadka Iran iyo taariikhda dalkooda.

Related posts

“Reer Awdalaw Fartiina ku ciil baxa”.Musharax Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi.

Mustafe haji

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo ka soo qaybgalay kana Hadlay Aaska Madaxweynihii 4aad ee Sland

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaarahada Dagaalka Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Dalka Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff