Borama News Network

Dagaal weli ka socda magaalada Doolow iyo ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin

Dagaal u dhaxeeya ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo garabsanaya ciidamada Itoobiya ayaa ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socda gudaha magaalada, saldhiga booliiska iyo garoonka.

 

Taliyaha ciidanka Nabad Sugida ee gobolka Gedo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya ay ku jiraan dagaalka ka socda gobolka Gedo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dhawaan gurmad u diri doonaan gobolka Doolow.

 

Dhinaca kale, Jubbaland war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in wafdi ka socda ay gaareen magaalada Doolow, isla markaasna ay ka hortageen ciidamada dowladda oo isku dayay in ay hor istaagaan.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wuxuuna ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay wafuud kala duwan oo ka tirsan dowladda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku kala sugan yihiin degmooyinka gobolka Gedo.

Related posts

Qoys Ay Shan Caruur Ah Kaga Dhinteen Hooyibe Ku Soo Dhacay Gurigii Ay Deganaayeen Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Abdiaziz Bnnstaff

Kooxaha ku dagaallamaya Sudan oo lagu eedeeyay in ay gaajada u adeegsadeen hub dagaal

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerarka Gaariga Loo Adeegsaday Ee Ka Dhacay Jarmalka

Abdiaziz Bnnstaff