Borama News Network

Dagaal Xoogan Oo Xamaas Iyo Isreal Ku Dhex Maray Woqooyiga Magaalada Gaza

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dhaqdhaqaaqa Xamaas & Ciidanka Israaiil ayaa ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Yuhuudda.

Afhayeenka dhinaca Militari ee Xamaas waa Abuu Cubayda ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka waxaana uu sheegay in ay hayaan muuqaallo caddaynaya khasaaraha gaaray ciidanka Israaiil intii uu dagaalka socday.

Cubayda ayaa intaas ku daray in ay dhexda u galeen ciidamo saf dheer ku socday oo Israaiil ah kuwaas oo ugu dambayn dhinac kamid ah askartaas oo go’doon u galay ay gaarsiiyeen khasaare xooggan sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Israaiil ayaa duqayn xooggan ka gaystay goobaha dagaalka culus uu ka dhacay waxaana la arkayay taangiyadooda oo isaga baxaya qaybo kamid ah Xaafadaha dhaca Waqooyiga Magaalada oo inta badan horay isaga carareen.

Duullaanka dhulka ah ee Israaiil ay ku qaadday Magaalada Gaza waxaa ku gaaray jab wayn iyada oo laga dilay saraakiil, askar & khubaro Militari halka laga gubay Taangiyo, Gaadiidka agabka Militariga qaada, kuwa difaacyada u qoda & diyaarado laga soo riday.

Related posts

Deg Deg Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Oo Shaacisay In Ay Iscasishay Iyo Sababta Oo Ay Sheegtay

Abdiaziz Bnnstaff

Biyo la’aan ka jirta DDS oo saamayn taban ku reebtay ku dhowaad 2 Milyan oo ruux

Abdiaziz Bnnstaff

“Jabhadda Jabuuti Ka Dhex Hadlaysa Ee Leh Awdal Ayaanu Xoraynaynaa Wixii Ka Dhashana Waynu Arki Doonaa…”Madaxweyne Biixi

Abdiaziz Bnnstaff