Borama News Network

Dagaalka Afka ah ee Donald Trump & Ilhaan Cumar oo meel sare gaadhay

Dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka ahna Musharraxa u taagan xilka Madaxweynaha Dalkaas 2024 Donald Trump iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa dib usoo laba-kacleeyay kaddib markii sanadihii lasoo dhaafay labadooda kala mashquuleen.

Donald Trump ayaa si toos ah u weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar & Haweeneyda kale ee asal ahaan kasoo jeeda Dalka Falastiin ee Rashida waxaana uu ku sifeeyay in ay dhibaato ku yihiin jiritaanka Dalkaas sida uu hadalka u dhigay.

Trump oo diidan in Ilhaan iyo xubnaha kale ee weerarka ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo ah in aanay habbooneen in soo dhaweyn weyn loogu sameeyo Dalkaas isla markaana uu mudan yahay in lagu ciqaabo dambiga uu geystay.

Ilhaan ayaa sheegtay in Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee Xilka Madaxtinimada Dalka Maraykanka 2024 uu meel ka dhac weyn ku sameeyay Muslimiinta, Soomaalida & Cid weliba oo ka dhiidhisay xadgudubka Israaiil ay ka gaysatay Dhulka Falastiin.

Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa falanqeynta ka sameeya arrimaha Dalkaas ayaa bogagga hore kusoo qaatay Trump oo markale farqaha ku dhegan Xildhibaan Ilhaan Cumar oo in muddo ah ku uguursanayay dhinaca Siyaasadda.

Dagaalka Afka ah ee Trump & Ilhaan oo heerar kala duwan soo maray ayaa kala qaybsanaan ka dhex abuuray Bulshada Maraykanka oo la kala saftay oo dhinac weliba waxa uu ku doodayaa in uu ka saxan yahay kana quman yahay.

Related posts

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Joe Bideen Iyo Netanyahuga Yuhuuda Iyo Waxa Uu Salka Ku Hayo Khilaafkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Weeraro Saldhigyada Isbahaysiga NATO Ee Dalka Germalja

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Laga Og Yahay Kulamada Lagu Dhexdhexaadinayo Soomaaliya Iyo Itoobiya Ee Ka Dhacay Nayroobi

Abdiaziz Bnnstaff