Borama News Network

Dagaalka Sokeeye Ee Dalka Sudan Oo Sanad Jirsadau Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalka Sudan

Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay Iran soo ridday, waxaana qaar ka mid ah gantaalladan ay sidoo kale ka yimaadeen Ciraaq iyo Yemen.

Weerarkan ayaa aargoosi u ah weerar lagu dilay taliye ciidan iyo saraakiil ka tirsan Iran oo horaantii bishan lagu dilay magaalada Dimishiq, taasoo Tehran ay aaminsan tahay in Israa’iil ay fulisay.

Muuqaallo ayaa muujinaya qaraxyo iyo rasaas ka dhacaya magaalada Quddus iyadoo difaaca cirka ee Israa’iil ay ka shaqaynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen weerarka Iran oo aan hore loo arag.

Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in 99% diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama gantaallada la soo riday ka hor inta aysan gelin hawada Israa’iilMadaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu sidoo kale “ku caawiyay Israa’iil in ay burburiso ku dhawaad” dhamaantood diyaaradahaas iyo gantaalada. Boqortooyada Ingiriiska (UK) sidoo kale waxay geysay diyaaradaha RAF gobolka.
Iiraan ayaa dhowaan wacad ku martay inay ka aargoosan doonto duqeyntii qunsuliyaddeeda Suuriya lagu qaaday 1-dii bishan April, taasoo ay ku dhinteen toddoba ka tirsanaa ciidankeeda IRGC, uuna ku jiray sarkaal sare. Waxay ku eedeysay Israa’iil inay fulisay weerarkaas, balse Israa’iil mana xaqiijin mana beenin.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay kulan uu la yeesho golaha dagaalka kadib billowgii weerarka Iiraan, wuxuuna kadib qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Biden, oo u ballan qaaday mar kale sida Mareykanka ay uga go’an tahay garab istaagga ammaanka Israa’iil.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) Daniel Hagari ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaallada Iiraan ay garaaceen gudaha Israa’iil, taasoo sababtay waxyeello gaartay saldhig militari balse aysan wax khasaare ah ka dhalan.

Adeegga ambalaasta Israa’iil ayaa sheegtay in gabar toddoba jir ah uu dhaawac kasoo gaaray burburka dhisme ku yaalla gobolka Arad ee koofurta dalkaas ku yaalla.

“Weerarkii ballaarnaa ee caawa ee Iiraan waa xiisad soo korortay,” ayuu yiri Mr Hagari. “Annagoo kaashaneyna xulafadeenna iyo saaxiibbadeen, waxaan si buuxda uga howlgaleynaa difaaca dalka iyo dadka Israa’iil.”

Shir jaraa’il kale oo kooban, ayuu ku sheegay in Iiraan ay xalay Israa’iil ku gantay in ka badan 300 oo gantaal ah, oo 99% ka mid ah lasoo riday.

Wuxuu intaa raaciyay in qaar ka mid ah gantaalladan laga soo ganay Ciraaq iyo Yemen.

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant ayaa yiri “waxyeello aad u yar ayay sababtay” balse wuxuu ka digay in “ololaha uusan weli dhammaan” wuxuuna sheegay in Israa’iil ay ku qasban tahay “inay feejignaan ku jirto”.
Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay”.

Kulanka degdega ah waxa loo qorsheeyay hadda iyo tobanka fiidnimo ee caawa.

Related posts

“Xukuumadu Ma Odhan Karto Wax Kaste Anaa Go’aminaya,Golaha Wakilada Ciyaar Looma Doran”Xildhibaan Mukhtaar Maydhane Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Joe Biden iyo Trump oo isku adeegsaday hadalladii ugu adkaa kadib dood loo qabtay

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Waxaan U Aqaanaa Xisbiga Cayda iyo Maxishoodayaasha”Aqoonyahan Ismaaciil Lugwayne

Abdiaziz Bnnstaff