Borama News Network

Dal Biyo Iyo Koronta Lacag La’aan Ah Siiyana Dadwaynaha Ku Nool Dalkaasi

Dowladda Jaad ayaa ku dhawaaqday in biyo iyo koronto lacag la’aan ah ay siineyso dadweynaheeda tan iyo dhammaadka sannadka. Waxaana qoyskiiba loo qoondeeyey 15,000 liitar oo biyo ah iyo 300 kWh oo koronto ah. Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in daynta laga masixi doono dadka dan yarta ah ee lagu leeyahay lacag biyoo ama koronto.

Dowladda Chad ayaa sidoo kale sheegtay in la dhimi doono canshuurta la saaro gaadiidka xamuulka qaada oo bishii la soo dhaafay cirka isku shareertay.

Tillaabadan oo amray hoggaamiyaha kooxda ciidamada ah ee haysta dalkaas Mahamat Déby ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Dadka badankood ayaa soo dhaweeyey tageeradan oo ku soo beegmeysa xilli daruufo dhaqaale ay dalkaas ka jiraan. Halka qaar ayaa tillaabadan u fasirtay mid uu ku beerdulucsanayo dadweynaha maadaamauu horay u shaaciyey damaciisa la xiriira doorashada madaxweynaha oo lagu wado in ay dalkaas ka dhacdo bilaha May iyo Juun.

Related posts

Suuqa Saamiyada Ee Taiwan Oo Albaabada La Iskugu Dhuftay Ka Dib Cashuuraha Maraykanku Soo Rogay

Abdiaziz Bnnstaff

Daqiiq Dhacday Oo Dhawaan Lagu Qabtay Dekeda Muqdisho Oo Suuqyada Lagu Fasaxay Si Loo Iibiyo Ka Dib Wadahal Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga dhismaha Waddada Baligubadle – Hargeysa .

Abdiaziz Bnnstaff