Dalalka Yurub ayaa maanta kulan degdeg ah ka leh wajiga cusub ee Madaxweynaha Maraykanka uu ku wajahayo waddamada dhaca qaaraddaas, Ingiriiska, Faransiiska iyo Yukrayn ayaa wada cadaadiskaan si ay meel uga soo jeystaan qorshaha cusub ee Donald Trump.
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Keir Starmer ayaa shirkaan dhexda u xirtay maadaama qorshaha Yurub uu yahay mid isku mid ah oo si wadajir ah u dareemeen wajiga cusub ee Donald Trump.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhankiisa dardar kuwa kulankaan degdega ah si Madaxda Dalalka Midowga Yurub ay usoo saaraan mowqif adag oo ay ku burinayaan damaca dabciga aan wanaagsanayn ku laban ee Madaxweyne Trump.
Madaxda Dalalka UK, France, Germany, Poland, Netherlands, Italy, Denmark, Sweden, Romania, Finland, Turkey, Spain, Czech & Ukraine oo Madaxweyne Zelensky laga dhageysan doonno waxa ka qabsaday Aqalka Cad ee Marayanka.