Borama News Network

Dalka Nicaragua oo marin sahlan u noqday dadka u tahriibaya Maraykanka

PANAMA CITY — Dalka Nicaragua ayaa xuddun u noqday muhaajiriinta isaga kala imanaya dalalka caalamka ee doonaya inay soo gaadhaan Maraykanka, kuwaas oo markii hore soo mari jiray jidad halis badan iyo deegaano kaymo ah oo khatar badan.

Muhaajiriinta ka imaya Americada Koonfureed, dalalka Caribbean-ka, Afrika iyo Asia ayaa markii hore ku dhiiran jiray inay soo maraan, kaymaha halista badan iyo dhulka aan sharciga adagi ka jirin ee u dhexeeya Colombia iyo Panama, si ay u soo gaadhaan Maraykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xukuumadda ka talisa dalka Nicaragua ee uu hoggaamiyo madaxweyne Daniel Ortega inay si ula kac ah ugu fududaynayso muhaajiriintu inay dalkeeda soo maraan si ay u gaadhaan Maraykanka.

Manual Orozco oo ah khabiir dhinaca socdaalka ah oo la shaqeeya hay’adda Inter-American Dialogue ee fadhigeedu yahay Washington ayaa u sheegay AFP in xukuumadda madaxweyne Daniel inay fududaynayeen “ganacsi isku xidha adeegyada duulimaadka oo caalami ah” si ay muhaajiriintu “si degdeg ah ugu gaadhi karaan xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico”

“Waxaan ururinay xogta in ka badan 500 oo duulimaad oo gaar ah” ayuu yidhi Orozco, isaga oo intaas ku daray, in masuuliyiinta dhinaca garoomada ee dalkaasi inay kireysteen “Shirkado gaar ah oo fadhigoodu yahay dalka isu-tagga imaaraadka carabta si ay u tababaraan, saraakiisha ku lugta leh, hababka caalamiga ah ee loo maamulo duulimaadyada noocan ah.”

Orozco ayaa intaas ku daray in xukuumadda Nicaragua inay arrintan ka aamustay, balse ay faa’iido badan ka samayso lacagaha ka soo gala fiisayaasha iyo kaadhadhka dalxiiska, iyo lacagaha laga qaado muwaadiniinta imaya dalkaas iyo cashuuraha degitaanka diyaaradaha.

Wuxuu sheegtay in khadkan cusub ee Nicaragua inuu yahay mid fursad siinaya muhaajiriinta, balse uga sii daraya xaaladda muhaajiriinta ee Maraykanka haysata.

Related posts

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Yeman Oo Shaaciyay In Ciidamadii Maraykanku Iskaga Baxeen Biyaha Bada Cas Ka Dib Weeraradii Ay Xuutiyiintu Qaadeen

Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea + SAWIRRO

Abdiaziz Bnnstaff