Borama News Network

Dalka Sweden Oo Kumanaan Doollar Siinaya Dadka Dalalkooda Dib Ugu Laabanaya

Shalay oo Khamiis ahayd ayaa dowladda Sweden waxaa ay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu dhimayo tirada dadka soo galootiga ah ee dalka ku sugan.

Sannadka 2026-ka, dalka ayaa siin doona qof kasta oo ajnabi ah oo dalkiisa dib ugu laabanaya lacag dhan 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay hay’adda socdaalka ee dalkaas ku sheegtay shir jaraa’id.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan keeno xoogaa isbedel ah,” ayuu yiri wasiirka socdaalka, Johan Forssell.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Ulf Kristersson, ayaa horey wacad ugu maray inuu dhimi doono socdaalka markii uu xafiiska la wareegay 2022-kii.

Dalka Sweden ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii qaabiley dad badan oo soo galooti ah, kuwaas oo u badan dad ka yimid wadamada ay dagaalada ka socdaan sida Syria, Afghanistan, Soomaalia, Iran iyo Iraq.

Related posts

Lamine Yamal “Waligey Khamri Ma Cabbin Mana Cabi Doonni, Jirkeygana Shabbad Kuma Buufin Doonni”

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Ku Hanjabay In Uu Adeegsan Doono Hubka Wax Gumaada Ee Nukliyeerka

Abdiaziz Bnnstaff

Qadiyada Somaliland Mucaarid Iyo Muxaafidba Mid Baanu Ka Nahay” Xildhibaan Barkhad Batuun

Abdiaziz Bnnstaff