Borama News Network

Dalka Turkiga Oo Laga Joojiyay Isticmaalka Barta Instagram

Dowladda Turkiga ayaa xannibaad ku soo rogtay isticmaalka barta Instagram. Xakamaynta ayaan Agaasinka Isgaarsiinta Turkigu wax faahfaahin ah ka bixin sababta loo xaddiday.

Laakiin Arbacadii sarkaal Turki ah oo lagu magacaabo Fahrettin Altun ayaa ku dhaleeceeyay Instagram, wax uu ugu yeeray go’aanka ay ku joojisay qoraallo tacsi ahaa oo ku saabsanaa dilkii hoggaamiyihii siyaasadeed ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Dad badan oo ka tacsiyadeeyay geeridii Ismaaciil Haniyah Arbacadii ayaa ka cabanayay qaar ka mid ah baraha bulshada oo tiray sawirro iyo qoraallo tacsi loogu dirayay Ismaaciil Haniyah oo Tehran lagu dilay laba cisho ka hor.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda Meta oo la xiriira arrintaan

Related posts

Salaadiinta Beesha Gabooye Oo U Jawaabay Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Ay Koonfur Africa Maxkamada Kula Tiigsanayo Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

Gabadhii Ay Sadaqadu Ka Badbaadisay Geerida Oo Laga Waraystay Siday Wax U Dhaceen Iyo Qaabkii Ay Ku Badbaaday

Abdiaziz Bnnstaff