Qoraal ay dawladda Shiinaha soo saartay ayaa lagu sheegay in markabkii kalluumaysiga ee Shiinaha laga lahaa, gacantana ugu jiray burcad badeed Soomaali ah la soo badbaadiyey.
Qoraal ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “dhawaan, markab kalluumaysi oo Shiinaha laga leeyahay ayaa waxaa si sharci darro ah gacanta ugu hayey koox hubaysan meel ka baxsan xeebaha Puntland, Soomaaliya. Dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee xukuumadda Shiinaha ayaa suurto galiyey in markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayagoo bedqaba la soo badbaadiyey 13 Janaayo”.
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Shiinuhu uu si adag u cambaareynayo afduubka markabka oo khatar galiyey “bedqabka shaqaalaha iy amniga socdaalka badda ee caalamka”.
Wuxuu kaloo qoraalku intaa ku daray in Shiinuhu uu sii wadi doono ilaalinta “xuquuqda muwaadiniinta iyo hay’adaha Shiinaha”, ayna la shaqayn doonaan dhinacyada ay khusayso sidii loo xaqiijin lahaa amniga maritaanka badaha caalamka.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in markabka iyo shaqaalihii saarnaa ay ku sii jeedaan biyo amnigoodu roon yahay.
Inkastoo aan faahfaahin laga bixin sida lagu soo furtay markabka ayaa haddana dhanka kale waxaa jira Warar sheegaya in hawlgalka la dagaallanka burcad badeedda ee midowga Yurub ee Atalanta, gaar ahaan raxanta maraakiibta Spain ee Santa Maria ay ku lug lahaayeen soo furashada markabka,ayagoo xiriir joogto ah la samaynayey maamullada Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sidoo kale ergada midowga Yurub ee Soomaaliya.
Hawlgalka Midowga Yurub, maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya midkoodna kama hadlin soo furashada markabkan.