Borama News Network

Dayax-madoobaad sanado kadib lagu arkay dalalka Carabta iyo Afrika

Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan Galbeedka Afrika, oo dalal Carbeed ay ka mid yihiin.

Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, balse lagama arkin Aasiya iyo Bariga Afrika.

Markii hore waxaa laga arkay Galbeedka Afrika, oo ay ku jiraan Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka.

Arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah.

Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka.

Related posts

Cabdiraxman Ciro La Hadlay Taageerayaashii Doortay Fariina Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Pakistan Oo Duqaymo Ka Fulisay Gudaha Dalka Iran Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Duqaymahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Dhamaan xuduudihii Somaliland cidhif ilaa cidhif imtaxaankii uu ka soo dhamaaday”Guddoomiye Daa’uud

Abdiaziz Bnnstaff