Borama News Network

DFS oo Saciid Deni ku eedeysay in uu qaaday tallaabo uu ku carqaladeynayo kaarka Aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay tallaabadii ay dhawaan qaadday maamulka Puntland taas oo ay ku sheegtay in maamulkaas uu sameysanayo aqoonsi u gaar ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tallaabadaas ay qaadday Puntland ku tilmaamtay mid lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka ayna tahay khalad masuuliyadeed iyo mid sharci.

“Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka, waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli dhawaan maamulka Puntland sheegay in ay sameyneyso aqoonsi u gaar ah, iyada oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu yahay mid lagu carqaladeynaayo Aqoonsiga qaranka.

Related posts

Madaxwayne Biden oo faahfaahiyey heshiis xabbad-joojineed oo Israa’iil ay aqbashay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Jabuuti Oo Ka Hortimid Qiimeyn Uu Bangiga Adduunka Uu Ku Sameeyay Dekedaha Caalamka

Abdiaziz Bnnstaff

“Xasan Sheekh,Somaliland Dhaqaalaha Ayuu Kala Dagaalamaya Somalida Kalena…” Boqor Buurmadow

Abdiaziz Bnnstaff