Borama News Network

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Jaban Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Japan ayaa sheegay in tirada Dadka ku dhintay Dhul-gariir gaaraya 7.6 Magnitude ay gaartay 30 qof waxaana socda daryeelka loo fidinayo dad kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray.

Sarkaal katirsan Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa Warbaahinta u sheegay in kumaan ruux ay ku guryo beeleen dhul-gariirkaas waxaana la dejiyay teendhooyin si ay halkaas usii degenaadaan si kumeel-gaar ah.

Magaalada Xeebta leh ee Suzu oo uu saamaynta wayn ku reebay Dhul-gariirka ayaa lasoo wariyay in dadkii degenaa ay isaga tagaan maadaama isniintii & talaalada maanta dhul-gariirku ku dhuftay waa sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Marka laga soo tago Dadka Deegaanka waxa uu sidoo kale Dhul-gariirku saameeyay Dad dalxiisayaal ah oo qaarkood ku sugnaa Hoteello iyo xeebta Magaalada Suzu oo ay ku qaadanayeen fasaxooda billowga sanadka.

Related posts

Booliska Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Shabakad Dadka Tahriibisa Iyo Tirada Shabakadaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

“Waan Ka Imid Xisbigaygii Waddani Waxaan Dhisayaa Kulmiye” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Putin Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Masuul Yahay Geerida Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff