Borama News Network

Dibadbax Ka Dhan Ah Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Netanyahu Oo Gilgilay Tel Aviv

Dibadbax xooggan oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ayaa gilgilay Magaalada Tel Aviv kaddib markii Dadka isusoobaxa dhigaya ay sheegeen in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ka dhega-furaysatay baaqda nabadda ah ee loo diray.

Dadka ugu badan ee Dibadbaxa wada waa ehelka xubnaha maxaabiista ah ee Xamaas u xiran laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023 waxaana ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin nolosha xubnahaas ehelkooda ah.

Waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Benjamin Netanyahu iyaga oo sidoo kale watay boorar lagu soo hardhay sawirka Ra’iisul Wasaaraha Israaiil oo lagu soo dhexdaray erayada ay ku tilmaamayaan in uu yahay ama u qulmo in ay dhahaan.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa sheegay in ay isugu tagayaan guriga, xafiiska shaqo iyo meelaha uu inta badan Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda uu u badan yahay si ay u kordhiyaan cadaadiskooda una aqbalo baaqyada wadahadalka.

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex jira Yuhuudda oo labo dhinac u kala jabtay, qayb loogu yeero wadaadada mayalka adag ayaa ku doodday in lasii kordhiyo dagaallada ka socda Dhulka Falastiin halka qaybta kale ee quunyar socodka ah ay diidan tahay dagaalkaas sii socoshadiisa.

Related posts

Maayirka Dowlada Dhexe Ma Dhisto” Maayirka Cusub Gabilay Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Ayaa magaalada Caynaba Kaga Dhawaaqday Go’aamo Lagu Adkaynaayo Qaramayntii Ciidamada Madaniga Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka Oo Weerar Culus Oo Dhimasho Sababay Ka Gaystay Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff