Borama News Network

Diyaarad Siday Ciidan Maraykan Ah Oo Dhacday Iyo Saraakiil La La’yahay

Askar ka tirsan ciidanka Marines ee Maraykanka ayaa la la’ yahay kadib markii ay dhacday diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo dul maraysay buuraha barafku daboolay ee California.

Diyaaraddaan oo nuueedu yahay CH-53E Super ayaa laga helay meel 72km u jirta halkii ay ka duushay. Kooxda saarneyda ayaa laga warhelay in ay dib dhaceen.

Lama oga ilaa iyo hadda xaalka ay ku sugan yihiin shanta askari.

Duulimaadka ayaa la sheegay in uu ahaa mid loogu tala galay tababar.

Hawlgal lagu baadi goobayo askarta ayaa la sheegay inuu socdo.

Related posts

Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday markabka shidaalka qaada oo lala xiriiriyay Britain

Abdiaziz Bnnstaff

Culimada Somaliland Oo Baaq Culus Ka Soo Saaray Doorashoohinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Beeleed Maalinkii Labaad Ka Socda Gobolka Mudug Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff