Borama News Network

Diyaaraddii sidday madaxweyne ku-xigeenka Malawi oo la waayey

Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, ka dib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas.

Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale.

Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas.

Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda.

Related posts

Daawo Waxa Kala Qabsaday Cabdicasiis Samaale Iyo Gudoomiye Xirsi Oo Madal Si Adag Iskugu Jawaabay

Dowlada India Oo Si Wayn Uga Cadhootay Talaabo Ay Qaaday Safiirka Ingiriiska U Dhifay Dalka Pakistan

Abdiaziz Bnnstaff

“Cali Xaamud Shirka Saaka Golohooga Waxa U Matalayey Godoomiye Fartoon…”Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Cali Xaamud

Abdiaziz Bnnstaff