Borama News Network

Diyaarahada Dagaalka Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Dalka Suuriya

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada cirka ee Israa’iil ay weerarro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Suuriya ee aagagga Dimishiq iyo Daraca, halkaas oo ay ku dileen ilaa 4 qof.

Waxaa lagy tilmaamay weerarrada Israa’iil inay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa tan iyo bilowgii sanadkan.

Ilaa 4 weerar ayaa lala beegsaday xarunta dhexe ee qeybta koowaad oo ay ku jiraan dabaabaadka dagaalka, waxaana sidoo kale laga maqlay magaalada Azraa qaraxyo ka dhashay weerar ay Israa’iil ku beegsatay guutada 112-aad ee ku sugan baadiyaha Darca, sida uu sheegay qof goobjooge ah.

Ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay dhanka tuulada Al-Bakkar oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Daraca.9

Related posts

Los Angeles oo xaalad caafimaad oo degdeg ah looga dhawaaqay

Abdiaziz Bnnstaff

Milatariga,sirdoonka Iyo Booliskuba”Saxaafadii Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ilig Iyo Tacdi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Namibia oo geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff