Borama News Network

Donald Trump oo dib loogu doortay madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Trump ayaa guulo sheegtay horraantii Arbacada isagoo u mahadceliyey taageerayaashiisa, isu soo bax ka dhacay Florida.

“Tani waxay ahayd dhaq-dhaqaaq aan qofna horay u arag, run ahaantiina, kani wuxuu ahaa, waxaan aaminsanahay, dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ugu weynaa abid,” ayuu yiri Trump.

Waxa uu ballan qaaday in uu “hagaajin doono xuduudaheenna” uuna ” hagaajin doono wax walba oo dalkeena ka jira.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u gaarsiin lahaa “Mareykanka inuu noqdo xooggan, ammaan ah oo barwaaqo ah.”

Related posts

Los Angeles oo xaalad caafimaad oo degdeg ah looga dhawaaqay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa sanadkaan ku cusub Xujayda gudanaysa Rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka?

Abdiaziz Bnnstaff

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka. Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Abdiaziz Bnnstaff