Borama News Network

Donald Trump oo kala furfuraya Xisbiyada Israa’iil & Xukuumadda Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kala furfur ku wada Xisbiyada iyo Xukuumadda Benjamin Netanyahu kaddib markii uu waayay ciidan la fuliya amarkiisa la xiriira duullaanka uu la damacsanaa Magaalada Gaza oo Yuhuuddu isku khilaaftay.

Donald Trump ayaa dagaal kasoo riixaya xubno mucaaradsan Netanyahu kuwaas oo Warbaahinta ku hadasha Afka Cibriga lasoo fadhiisanaya doodo la xiriira sida in ay Ra’iisul Wasaarahooda ku eedeynayaan in uu ka cabsanayo Dagaalka Gaza.

Netanyahu oo ku nafisay xabbad-joojinta ayay warar laga helayo xafiiskiisa sheegayaan in uu doonayo in lasii waqti dheereeyo maadaama uu heysto talooyin caafimaad oo dhaqaatiirtiisu siiyeen mar haddii Wadnihiisa uu ku shaqeynayo Batari lagana ilaalinayo welwelka badan.

Trump oo ah shakhsi 100% jecel in soo jeedintiisa dhaqangasho ama la raaco ayaa waji gabax kala kulmay Israa’iil markii uu ciidamadu ay diideen in ay duullaan kale ku galaan Magaalada Gaza sabab la xiriirta in ay xusuusan yihiin dhibaatada soo gaartay.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka shaqeynaya xiisad cusub in uu ka abuuro Bariga Dhexe ayaa daneynaya sidii Magaalada Gaza looga barakicin lahaa Dadka degen, Dalalka deriska ah iyo kuwo Afrika ee Maraykanku damacsanaa in uu u raro ayaa si cad u diiday soo jeedintaas.

Related posts

Gudoomiye Cali Xaamaud Jibril Oo Sheegay In Laga Hor Itaagay In Uu Galo Madaxtooyada Somaliland Fariimo Culusna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyneyaashii Irir Samaale Ayaa Kulmay Putland-na Way Ka Naxdey, Reer Laascaanoodna…” Abwaan Kujare

Abdiaziz Bnnstaff

Dal ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka oo gawaaridiisa u beddelaya kuwa ku shaqeya korontada

Abdiaziz Bnnstaff