Borama News Network

Doorashada guddoonka baarlamaanka Jubaland oo maanta dhaceysa .

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 21-ka bisha Nofembar, waxaa lagu wadaa in baarlamaanka Jubaland uu doorto guddoonka cusub ee baarlamaankaas.

Musharixiinta u tartamaya xilkan ayaa jeedin doona khudbado, waxaana intaa kadib la guda geli doonaa doorashada guddoonka baarlamaanka, ku xiigeenka koowaad iyo kan labaad, kaas oo uu dooran doono baarlamaanka saddexaad ee Jubaland.

Intaa kadib, waxaa la dhaarin doonaa xubnaha ku guuleysta doorashada ee ah guddoonka iyo labadiisa ku xiigeen.

Dhanka kale, gudoomiyaha Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr Mursal Siyaad Maxamed, ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlaha kale ee doorashooyinka Jubaland, gaar ahaanna qaybta musharixiinta madaxweynaha Jubaland ee 2024-ka.

Related posts

Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyay In Ay Somaliya Noqota Sidii Afghanistan Oo Kale

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Labo Nin Oo Hooyadood Dilay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse”Madaxweynaha Ayaa Wax Dhan Iska Heysta Dadka Dhahaayo Waa Beentood”

Abdiaziz Bnnstaff