Borama News Network

Doorashadii Dalka Faransiiska Oo Awood Xoogan La Isku Muquuniyay

Faransiiska ayaa wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed ka dib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad toos ah.

Saadaasha ayaa muujineysa in isbahaysiga garabka bidix, Front Popular Front, uu u muuqdo inuu helayo kuraasta ugu badan ka dib wareega labaad.

Heshiis xeeladaysan oo u dhexeeya xisbiyada qunyar socodka ah ayaa keenaya in xisbiga NR ee midigta uu galo kaalinta saddexaad. Wareegii koowaad ee doorashada ayuu dardar la soo baxay waxaana aad looga cabsi qabay inuu helo aqlabiyadda kuraasata baarlamaanka, hase-yeeshee waa loo awood sheegtay.

Isbahaysiga dhexe ee madaxweyne Macron ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kaalinta labaad.

Ma cadda cidda noqon doonta raysal wasaaraha xiga ee Faransiiska, laakiin raysal wasaase Gabriel Attal, ayaa sheegay inuu xilka iska casili doono, inkastoo uu diyaar u yahay inuu sii joogo bishan.

Related posts

Jabhadda OLF Ee Qoomiyada Oramada Oo Kahor-Timid Damaca Abiy Ee Badda Soomaaliya.

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaa Inoo Taala Sidii Ay Somaliland Ugu Soo Celin Lahayn Dhulbahante” Axmed Yasiin Sh Cali Ayaanle

Abdiaziz Bnnstaff

Xiliga Laga Qabanayo Shirka Golaha Ee Xisbiga Wadani Oo La Shaaciyay Iyo Goobta Lagu Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff