Borama News Network

Dowlada Itoobiya oo u murugooneysa dadki ku dhintay masiibadi dhul-go’a

Dowladda Itoobiya ayaa Jimcihi ku dhawaaqday saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, kaddib marki la xaqiijiyay in 257 qof ay ku dhinteen laba dhul-go oo Axaddi iyo Isniinti ka dhacay koofurta Itoobiya.
Bayaan kasoo baxay baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in baroordiiqda loo sameynayo dhibanayaasha ay billaabmeyso maanta oo Sabti ah. Guddiga Maareynta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa isna sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha samatabixinta iyo gargaarka bani’aadannimo.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kuw arrantay, in guryaha dadki ku dhintay masiibada ay buuxiyeen dad murugeysan, si ay uga qeyb galaan ama u wadaacaan boqollaalka qof ee la meydadkooda laga soo saaray dhoobada hoosteeda.
Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee loo soo gaabsho OCHA, oo soo xiganeysa saraakiisha deegaanka ayaa sheegtay, in duufaanno ka dhashay roob xooggan uu sababay dhul go’a ka dhacay tuulada yar ee Kencho Shacha Gozdi. Waxay ka digtay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Waa tiradi ugu badneyd oo dhul go’ ugu dhimata dalka Itoobiya, iyada oo ay wali sii socdaan howlaha gurmadka.

Related posts

Banaanbaxyo Waawayn Oo Gilgilay Dalka Turkiga Ka Dib Markii La Xidhay Maayirkii Magaalada Istanbol

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliland Hadi Ay Rabto Iney Noqoto Jeel Dusha Ka Furan Sida Kililka 5aad ….

Abdiaziz Bnnstaff

Xog ku aadan qaabka Burcad-badeeda ku qaateen Lacag madax furasho ah oo ay ku daayeen Markabka MV Abdullahi

Abdiaziz Bnnstaff