Borama News Network

Dowlada Jabuuti oo IGAD ugu baaqday shir looga arrinsanayo Xaaladda ka dhex taagan Soomaaliya Iyo Itoobiya.

Warqad kasoo baxday Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD ayay Ururkaas ugu baaqday shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhex aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay Xadgudubka ay samaysay Addis Ababa.

Xaanshida ayaa lagu muujiyay sida loogu baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah IGAD oo ay ku jiraan Dalalka xiisadda ka dhex taagan tahay ee Soomaaliya & Itoobiya ay u yeeshaan fadhi gaar ah oo xiisadda hoos loogu dejinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in kaddib markii wadatashi dheer uu la yeeshay Dhiggiisa Uganda Yoweri Musevani laga maarmi waayay kulankaan oo xal u noqon kara xiisadda Geeska Afrika ka jirta.

Lama shaacin waqtiga uu qabsoomayo Shirkaan degdeg ah ee Urur Goboleedka IGAD loogu baaqay in uu ku yeeshay Dalka shir-guddoonka u ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti si loo caddeeyo mowqifka iyo dhabbaha xalka lagu gaari karo.

Itoobiya ayaa 1dii Janaayo 2024 waxa ay shaacisay heshiis sharci-darro ah oo ay la gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo ka dhigan in dhul kamid ah badda Soomaaliya ay kiro ahaan u qaadanayso Addis Ababa.

Tallaabadaas waxaa diidmo kala hortagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada hoostaga, Waddamo, Ururro Caalami ah iyo xitaa Jabhadda Xorraynta Oromada maadaama heshiis ku sheeggaas uu yahay mid sharci darro ah oo kahor imaanaya madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Related posts

“Madaxweyne Muuse waxan qirayaa in uu qabtay laba doorasho oo culayskooda leh”Guddoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Digniin Ka Soo Saaray Shar Ay Borama Ku Qabanayaan Gudiga Ururada Siyaasadu Fariin Culusna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

11 Gobol oo kamid ah Dalka Hindiya oo maanta ka dhacaysa Doorashada wajiga 3aad