Borama News Network

Dowlada Maraykanka oo Dowlada Itoobiya U dirtay Fariin Naxdin leh oo la xariiirta Badda Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho.

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax-banaanideeda.

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed.

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

“Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas.

Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shir Muhiim Ah Oo Uu Kaga Qayb Galiya Dalka Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin: wax ka ogow Waraabaha ugu Halista badan ee ku nool Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobey: 14 sano Ayey Qaadan Doontaa si Loo Nadiifiyo Qasa

Abdiaziz Bnnstaff