Borama News Network

Dowlada Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Mareykanka ayaa Arbacadi shalay Ruushka ku eedeeyay inuu jebiyay, xayiraadda caalamiga ah ee saaran hubka ka sameysan suntan kiimikaca ee Kolorobikiin oo ah kiimiko dadka neefta ku xirta.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku eedeysay Ruushka, in suntan uu u adeegsaday ciidamada Ukraine. Waxay kaloo waaxdu sheegtay, in ciidanka Ruushka ay sidoo kale dagaalka Ukraine u adeegsadeen kiimikada dadka lagu kala eryo ee waxyeelleysa indhaha, cunto-mareenka, sambabka iyo afka.

Mareykanku wuxuu sheegay in isticmaalka kiimakooyinkan ee ciidanka Ruushka aysan ku koobneyn hal dhacdo, balse ay qeyb ka tahay damaca Ruushka uu ku doonayo inuu dhufeysyada uga saaro ciidamada Ukraine iyo inuu libin ka gaaro xeeladihiisa dagaalka.

Dhaleeceyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu Ruushka Arbacadi shalay gantaal baalistik ah ku bartilmaameedsaday magaalada dekadda leh ee Odesa ee dalka Ukriane, weerarkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Related posts

Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Xukunka Dilka Ugu Badan Fuliyay Sanadkii 2024

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha oo sheegay in uu la shaqayn doono xukuumadda Trump

Abdiaziz Bnnstaff

Tahriibayaal Ka Dhintay Xeebaha Dalka Tunisia Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff