Borama News Network

Dowlada Qatar Oo Shaacisay In Ay Shaqaalaysiinayso 10 Kun Oo Qof Oo Somali Ah

Soomaaliya iyo Qadar ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis shaqo-abuur oo la filayo inuu fursado shaqo ay ka helaan in ka badan 10,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Dhalinyarro xirfadleyaal ah iyo kuwa aan laheyn ayaa la filayaa in ay ka faa’iideystaan heshiiskaan oo qeyb ka noqonaya dhimista shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kulamo kula yeeshay Madaxda sare ee Qadar gaar ahaan Wasaaradda Shaqada.

Waxaa ay ka wada hadleen nidaamka shaqaaleysiinta shaqaalahaasi iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Guddiga Farsamada oo ka kala socda labada dal ayaa isugu yimid magaalada Doha, halkaas oo ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaan waara oo lagu hirgelinayo mashruucan shaqaaleysiinta.

Lama oga inuu hirgali doono heshiiskaan, xilli hore dalal kale ay Soomaaliya u ballanqaadeen in ay ka taageerayaan dhimista shaqaalaha.

Related posts

“Madaxweyneyaashii Irir Samaale Ayaa Kulmay Putland-na Way Ka Naxdey, Reer Laascaanoodna…” Abwaan Kujare

Abdiaziz Bnnstaff

Yaa Gar Leh Nin Yidhi Doorashaan Qabsanayaa Iyo Nin Yidhi Doorasho Ma Qabanaysid” Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Abdiaziz Bnnstaff

Wasaaradu Maaha Wasaarad Dhaqaale Ee Waa Wasaarad Hawleed” Wasiirka Cadaalada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff