Borama News Network

Dowlada Sacuudiga Oo 12 sano kaddib Safiir u magacawday Suuriya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo muddooyinkii dambe dib usoo celinaysay cilaaqaadka go’ay ee kala dhaxeeyay Jamhuuriyadda Suuriya ayaa qaadday tallaabooyin ay ku xoojinayso ka rumaynta qorshaha xoojinta xiriirka Dimishiq & Riyaad.

Dowladda Sacuudiga ayaa Danjire Faysal Al-Mujfiil u magacaabatay in uu noqdo Safiirka u fadhinaya Dalka Suuriya si uu uga shaqeeyo dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood oo go’ay 12 sano kahor waa laga soo billaabo sanadkii 2012.

Sacuudiga ayaa kamid ah Dalalka ku dhiirrageliyay Suuriya in ay dib ugu laabato Ururka Jaamacadda Carabta sanadkii hore 2023ka waxaana xigay booqasho mas’uuliyiin katirsan boqortooyada oo tagay Magaalada Dimishiq.

Danjiraha cusub Sacuudiga ee u fadhiya Suuriya ayaa sheegay in uu dedaal xooggan gelinayo sidii uu uga shaqayn lahaa isku xirka Danaha Xukuumadaha Riyaad iyo Dimishiq oo haatan si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabanaya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadihii u dambeeyay qaadaysay tallooyin ka dhan ah Maraykanka sida in ay xiriir la samaysayo Suuriya, Shiinaha, Ruushka & Dalal kale oo kahor maamulka Madaxweyne Biden ka caaganaa Dalkaas.

Related posts

“Haddii Madaxweynihii Dalku Dadka Isku Dirayo Waa Ayaan Darro Wayn”Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff

Yuusuf Garaad: “Tallaabada Itoobiya waa mid dhaawacaysa Dal weliba oo Afrika ah”.

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Xasan “Ethiopia Miyirku Ha Idiin Soo Laabto Kama Wada Hadli Karno Badeena Iyo Dulkena” Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff