Borama News Network

Dowlada Shiinaha Oo Faahfaahin Ka Bixisay Dhul Gariir Xoogan Oo Dalkaasi Ka Dhacay

Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo halkaasi ka dhacay Talaadadi.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabirka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dhacay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyi kaga beegan buurta Everest oo ah buurta ugu dheer aduunka. Gariirka wuxuu sidoo kale ruxay dhismayaal ku yaal Nepal, Bhutan iyo Hindiya oo deriska la ah.

Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in Talaadadi ilaa iyo saakay oo Arbaca ah lasoo badbaadiyay in ka badan 400 oo qof, halka ilaa 30,000 oo kale dib u dajin loo sameeyay.

Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul gariirka halka dhaawacyadu ay marayaan 188 guud ahaan gobolka Tibet. Dhanka dalka Nepal wali lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sahan hordhac ah ayaa muujiyay in 3,609 guri ay ku burbureen magaalada Shigatse ee Tibet, oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.

Related posts

Masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye Ee Daami Oo Is Casilay Iyo Xaruntiii Oo ….

Mustafe haji

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Labo Markab Oo Laga Kala Leeyahay Maraykanka Iyo Uk

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka cusub ee Suuriya oo dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga u magacaabay xilal sare

Abdiaziz Bnnstaff