Borama News Network

Dowlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka arinsanaya Sidii Loo Dhisi Lahaa Gudi Isku Dhaf Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay  Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Raisedon Zenenga.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Qaramada Midoobay ayaa diiradda waxaa lagu soo saaray amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Danjire Fiqi iyo Raisedon ayaa wada gorfeeyey hababka iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaas oo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay codsatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taas badalkeeda ay u wada shaqeeyaan sida ay u wada shaqeeyaan dalalka caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Ka hor inta la xirin gabi ahaanba xafiiskaan ayaa la qorsheenayaa in la dhiso guddi isku dhaf ah oo kala socda dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, guddigaan ayaa ka shaqeyn doonaa sidii loo soo gabagabeyn lahaa Xafiiska Wakiilka Gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Related posts

Suldaanka Guud ee Habar-yoonis oo Fariin Adag u Diray Garadada Dhulbahante iyo Xukuumada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Doonaya In Uu Casilo Xildhibaan Ilahaan Cumar Ka Dib Markii Ay Taageero Xoogan U Muujisay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Marna maan maqal Maxamed Ilig ayaa gacan saar la leh cadowga Somaliland” Gudoomiye Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff