Borama News Network

Dowlada Somaliya oo ka digtay duufaano cusub oo ku wajahan magaalooyinka Xeebaha dhaca

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ka digtay Dufaaano culus oo loogu magacadaray Layla taas oo ku wajahan magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe, waxana ay bulshada uga digtay in ay taxadaraan

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda SODMA ayaa lagu yiri, “2024-Laga soo bilaabo Talaadadii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd 14-ka May 2024-ta, waxaa biloowday curashadda dabeysha Laly “Taroobikaalka” duufaantaan ayaa ku bilaabatay xawaare hooseeeya iyada oo marba marka ka dambeysa soo xoogeysaneysay intii u dhaxeysay 16-kii ilaa 19ka bisha waxayna ku so socotay xawaare aad u saareeya oo u dhexeeya 75 ilaa 100kilometir/saacaddii iyada oo jihooyin kala duwan u leex-leexaneeysay.”

Hay’adda SODMA ayaa sheegtay in xilligaan cabsida laga qabo ay tahay in ay duufaantu sababto bur bur hantiyeed sida; guryaha deggaannada xeebta dhaca iyo doonyaha kalluumeysiga iyo kuwa ganacsiga ee dhex goosha marin badeedkaas.

“Hay’dda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) XJFS waxey bulshooyinka ku nool deegaannadaas kor ku xusan ee dalka ugu baaqeysaa in ay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara duufaantaas,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda.

Dowladda Soomaliya ayaa uga digtay dhammaan bulshooyinka kala duwan sida: Kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan dhulka xeebaha, iyada oo ugu baaqday maamulladda deegaanada laga cabsi qabo in ay duufaanta gaartay in ay u diyaar garoobaan xaaladaan soo cusboonaatay.

Related posts

Awooda Donald Trump iyo Rajada Soo Galootiga Oo Wadnaha Farta Ku Haya

Abdiaziz Bnnstaff

“Boqolkiiba Kontan Dawadda Somaliland Taala Waa Been Abuur.” Dr Sadiiq Samater Oo Ka Dhawaajiyay Arin Culus Oo Xasaasiya.

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Mar Kale Faahfaahin Ka Bixisay Heshiiska Ay Itoobiya La Gashay Iyo Xogo Cusub

Abdiaziz Bnnstaff