Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo Qaadacday Qorshe Ayay Dalalka Africa Ku Dhexdhexaadinayaan Somaliya Iyo Itoobiya

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa markale si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ku aadan Badda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in damacaasi uu la mid yahay dowladda Masar oo heshiis ku saabsan biyaha webiga Nile la geshay gobolka Amxaarada, isaga oo sheegay in aanay jirin Cid ku taageertay Itoobiya gardarrada ay waddo.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka Itoobiya oo ka soo dabacday halkii horee, wuxuuna intaasi ku daray in ay Soomaaliya u soo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolayn wada-hadal ilaa ay dawladda Itoobiya ka baxayso heshiis beenaadkii ee ay la gashay dawladda Somaliland.

Related posts

Beesha Subeer Awal Oo Beenisay Inay Kala Baxayso Ciidamada Kasoo Jeeda Beesha Ee Kujira Kuwa Qaranka

Abdiaziz Bnnstaff

Wax Ka Ogaw Dalalka Maanta Laga Soomay Iyo Kuwa Aan Maanta Laga Soomanayn

Abdiaziz Bnnstaff

“Waan Ka Imid Xisbigaygii Waddani Waxaan Dhisayaa Kulmiye” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff